Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiirka Dalka Qatar oo Safiir U Magacaabay Dalka Soomaliya & Waa Kuma Safiirkan Awooda dheeriga Ah La Soo Siiyay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Amiirka dalka Qatar ayaa Safiir u soo magacaabay Soomaaliya, kaasoo dalkaasi uga wakiil noqon doona Soomaaliya.

Wareegto maanta kasoo baxday Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad Al-thani ayaa loogu magacaabay Xasan Xamza Asad Haashim inuu noqdo safiir aan caadi ahayn oo dalka Qatar u qaabilsanaan doona Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa dhaqan galaya isla maalinta la soo saaro oo ahayd maanta, wuxuuna ku soo beegmayaa iyadoo dhowaan la filayo inuu madaxweynaha Soomaaliya safar rasmi ah ku tago dalka Qatar.

Safiirka aan caadiga ahayn (Ambassador Extraordinary- سفيرا فوق العادة) ayaa ah mid awood badan oo xaq u leh inuu heshiisyo ku geli karo dowladda uu metelayo, wuxuuna awood ahaan ka sareeyaa safiirada caadiga ah ee dalalkooda u fadhiya dowlaha kale.

Qatar ayaa ka mida dalalka Khaliijka ee ku loolamaya xaaladda Soomaaliya, waxaana dhowaan xumaaday xiriirka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya, kadib markii shirkadda DP World ay heshiiska dekadda Berbera ku soo biirisay dalka Itoobiya.

Qatar ayaa lagu wadaa inay heshiisyo dhowr ah la saxiixato Soomaaliya, iyadoo kordhin doonta taageerada dhaqaale ee ay siineyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this