Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil sare oo Shabaab ah oo u gacan galay dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Xooga dalka ay caawa howlgal qaas ah ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamada waxa ay kusoo qabteen laba sarkaal oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle, ayaa xaqiijiyay howlgalka lagu qabtay saraakiisha Shabaabka ah uu ka dhacay degmada Awdhiigle ee gobolkaas.

Saraakiisha Shabaabka ah ee howlgalka lagu qabtay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa abdi Kariin Abuu Xamza oo Shabaab u qabilsnaa dhanka Maaliyadda iyo Sheekh Muudeey oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Amniyaadka iyo dilalka qorsheysan,waxana uu kusoo tababartay dalka Afgaanistaan.

Guddoomiye ku xigeenka waxa uu intaa ku daray in saraakiisha caawa howlgalka lagu soo qabtay ay ciidamada ku hayaan xarumaha ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose isla markaana lagu soo wareejin doono laama ammaanka ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo la socday kuwa la qabtay ayuu sheegay in wali lagu daba joogo isla markaana howlgalka uu yahay mid wali socdo.

Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkii dambe howlgallo kawaday gobolka Shabeellaha kuwaas oo lagu baacsanayo Al-Shabaab oo ku xoogan deegaanada iyo degmooyinka gobolkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this