Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Madaweyne Gaas Oo Shir isugu yeeray Golihiisa Wasiirada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiwali cali Gaas uu shir aan caadi ahayn uu isugu yeeray Golihiisa Wasiirada ee Puntland .

Warar hoose oo aan ka helnay Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada  Puntland oo ka gaabsaday in magacooda la adeegsado ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyay in shirkan looga arinsan doono xaalada Siyaasadeed ee dalka, siiba Mooshinka Muqdisho taas oo ay Puntland doonayso in ay Mowqifkeeda ay cadayso.

 

Warar kale oo hoose oo uu Puntlandi  helayo ayaa sheegaya sidookale in shirkan lagagaga hadli doono duulanka Puntland ay iclaamisay ee ah dib uxoraynta  deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo bil kahor ay gacanta ugashay Malayshiyaadka Soomaaliland.

Puntland ayaa diirada kuhaysa waxa ka socoda Madaxtoooyada Soomaaliya , waxayna ka cabsi qabtaa halka uu xaalku uu ku dambayn doono .

Majirto ilaa iyo hada wax faah faahin ah oo ka soo baxay shirkan iyo cid lahadashay warbaahinta tona.

Wixii ku soo kordha halkan kala soco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this