Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso : Guddoomiye Jawaari oo Qoraal ka nixiyey xildhibaannada Mooshinka Wada u diray Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helyo xafiiska Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qoraal culus uu guddoomiye Jawaari u kala diray wakiilada Beesha Caalamka, kaasoo naxdin ku noqday xildhibaannada wada mooshinka iyo taageerayaashooda.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ku faahfaahiyey xaaladda ka taagan Baarlamaanka Federaalka iyo faragelin uu sheegay inay ku sameysay xukuumadda Soomaaliya oo ay kula wareegtay xaruntii Golaha sharci dejinta, kadib markii ay ka saartay ciidamadii ilaalada ka ahaa.

Qoraalka Guddoomiya Jawaari ayaa lagu caddeeyay inuu u hogaansamayo Mooshinka laga keenay, balse ay tahay in Dooda Mooshinka iyo codeynta ay ku dhacaan 10 maalmood gudahood iyo in lagu qabto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Teendadhii lagu doortay madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay goobjoog ka yihiin wakiilada beesha caalamka, ammaankana ay sugayaan AMISOM.

Xildhibaannada Mooshinka ka wada Jawaari ayaa dadaal ugu jiray arrimo dhowr ah oo cadaadis lagu saarayey, waxayna hadda u muuqataa in dagaalka mooshinku sii socon doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this