Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Micheal Keating ku eedeeyay in uu Faraha kula Jiro Siyaasada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar kanid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo  Muqdisho ku shiraya ayaa waxa ay sheegeen in Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah wadamada dariska la ah Soomaaliya ay faragali ku hayaan Xaalada Siyaasadeed ee  dalka  Gaar ahaan Mooshinkii Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ka gudbiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka intooda badan.

Xildhibaanadii kulanka kahadlay ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow  oo kamid ahaa isaga qudhiisa Xildhibaanadii Mooshinka Gudbiyay .

Xildhibaan Jeesow ayaa Yiri   “Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Micheal Keating, waxaa uu u dhashay Ingiriiska, Xildhibaanada kala bar waxay heystaan baasaboorka Ingiriiska, mooshinada adduunka kama hadlee keena muxuu uga hadlaa, ma aqoonta ku yar anaga muu rabaa maxmiyad, balaayo iyo shirqool inuu noo maleego, Mooshinada Baarlamaankada Caalamka waa isku mid”ayuu yiri Daahir Jeesow.

14 Maarso ayay ahayd markii Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen Mooshinka Gudoonka Baarlamaanka , wixii intaasi ka dambeeyayna Xiisada Siyaasadeed ee dalka Cirka ayay isku shareertay waxaana soo ifbaxay in uu khlilaaf udhaxeeyay Gudoomiyaha iyo  Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Arintan ayaa sababtay in Madaxweyne Farmaajo uu ubaajiyo Sarfar uu ugu Ambabixi lahaa dalka Qadar maalmo ka hor.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this