Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Bada Puntland Oo beeniyay Wararka sheegaya in aysan Puntland Qusaynin Go,aankii Baarlamaanka ka Soobaxay Ee DP World dalka loogaga Mamnuucay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka bada Puntland Siciid Maxamed Raage oo  ku sugan dalka isutaga Imaaraadka Carabta maalmahana howlo shaqo u joogay halkaasi  ayaa waxa uu ka hadlay xiliga la bilaabi doono dhismaha  iyo balaarinta  dekeda Bosaaso iyo in lahelo qalab Dab damis oo Casri ah.

Wasiirka ayaa sidookale waxa uu ka hadlay  doonidii shalay ku bas Beeshay meel ku dhaw dekeda Bosaaso  taas oo  urarneed Ganacsato reer Puntland ah .

Wasiir Siciid Maxamed Raage ayaa Ganacsatada Puntland ugu baaqay in ay hantidooda ay soo saartaan doonyo tayo leh si ay ugu bad baado hantidooda.

Waxa uu gaba gabadii uu sheegay Wasiirka in sababta loo Balaarinayo dekeda Bosaaso ay tahay in ay ganacsatada ay hantidooda galiyaan Camis .

Wasiirka ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo warar maalmahan laysla dhexmarayay baraha ay bulshada ku xiriirto oo ahayd in Wasiirku uu sheegay in aysan qusaynin Puntland  Go,aankii ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ee DP World lagaga mamnuucay dalka Soomaaliya.

Halkan ka dhagayso

      Wasiir-raage-

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this