Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Mooshinka jawaari iyo Xildhibaanada kasoo horjeedo oo doonayo in qodob dastuurka kamid ah la badalo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada wada mooshinka looga horjeedo guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa dadaal ugu jira wax ka bedel lagu sameeyo qodob ka mida xeer hoosaadka Baarlamaanka oo u muuqda inuu caqabad ku yahay xil ka qaadista Jawaari.

Qodobkan dhibaatada weyn ku haya kooxda ololaha ugu jirta xil ka qaadista Guddoomiye Jawaari ayaa ah Qodobka 9-ad ee ayaa sheegaya in mooshinka laga keeno guddoomiyaha iyo labada ku xigeen ee baarlamaanka ay cod qaadistiisu noqoneyso qarsoodi.

HOOS KA AKHRISO QODOBKA 9-AAD FAQRADIISA 5-AAD

  1. Haddii Guddoomiyaha ama mid ka mid ah ku-xigeenadiisa ay soo wajahdo mooshin ah xilkaqaadis waxaa lamarayaa talaabooyinkan soo socda:
  2. a) Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xilkaqaadida, waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada, inta ay ka dhamaanayso arrinta la xiriirta soo jeedinta, codayntuna waa qarsoodi.
  3. b) Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-Xigeen uu lumiyo xilka, si waafaqsan qodobka 9 (2) ee xeerhoosaadka Golaha, Goluhu wuxuu Muddo shan iyo toban (15) maalmood gudohood waa inuu ku doorto Guddoomiye ama ku xigeen cusub.

Ujeedada ayaa ah in qodobkaasi laga dhigo gacantaag si aysan ugu suuragelin in xildhibaannada heshiisyada lala galay iyo kuwa kharashka la siiyo loo xaqiijiyo inaysan ka codeyn, waxayna arrintan muujineysaa cabsida weyn ee heysata kooxda ololaha ugu jirto xil ka qaadista Jawaari.

Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Axmed (Abuukaate) oo kamid ah Xildhibaanada sida weyn u difaacaya Guddoomiye Jawaari ayaa Facebookiisa ku soo qoray in Xukuumadda ay dadaal ku bixineyso in Codeynta gacan taag noqoto si ay u kala ogaadaan Xildhibaanada u codeeyay iyo kuwa aan u codeyn.

Abuukaate ayaa qaba iney jiraan Xildhibaano Wasiiro u badan oo u baqanaya in Xilka laga qaado, balse aaney ka go’neyn ridista Jawaari, Kuwaasoo hadii ay Codeynta noqoto qarsoodi Codkooda ku difaacaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari.

Si Kastaba, Wali si dhab ah looma oga xiliga rasmi ahaan Baarlamaanka la horgeynayo Mooshika si Codka Kalsoonida loogu qaado, Inakastoo Gudoomiye Jawaari Sheegay iney heystaan 10 Maalin Xildhibaanada Mooshinka keenay taasoo ka bilaabaneysa Markii mooshinka ay gudbiyeen oo ku aadan 14-kii Bishan.

Lama oga sida arrintan loo xaqiijin karo, waxayse xogtu sheegeysaa in tiro xildhibaanno ah ay keeni doonaan mooshin ku saabsan in cod bixintu noqoto GACAN-TAAG.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this