Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kigali (Puntlandi) Wasiirka arrimaha dibada dowladda federalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad , ayaa magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda uga qayb-galay Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika.

Kulankaan ayaa lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Africa ay leedahay.

Wasiirka arrimha dibada ayaa shirkaan ka sheegay qiimaha ay ummadaha Africa ugu fadhido in ay ku midoobaan hal aragti oo horumar hiigsanaya, si saboolnimada iyo colaadda loo soo afjaro.

Waxaa uu xusay in Soomaaliya oo ah dal dadkiisu ku firfircoonyihiin ganacsiga ay u tahay fursad weyn abuuridda suuqa Afrika.

29388945_460965454353474_337706068522880 29389198_460965514353468_715526908252101 29472645_460965564353463_798471831209535

Puntlani.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this