Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalladaha ururada bulshada Soomaaliya oo war murtiyeed kasoo saaray khilaafka barlamaanka Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalladaha bulshada rayidka ee SOSCENSA iyo PUNSAA oo ay ku midaysan-yihiin qeybaha ugu badan ururada bulshada rayidka ah ee kajira Puntland, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa dood adag ka yeeshaay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jra xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Dood dheer kadib, Laba Dalladood waxa ay si wadajir ah usoo saareen War-Murtiyeed ka
kooban qoodbada soo socda :-

1. Dalladaha waxa ay aad uga walaacsan yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka soo
cusboonaaday Hey’adaha Sharci dejinta iyo Fulinta iyadoo ay u arkaan in khilaafka
xiligan ku soo beegmay uu yahay mid dhabar jab ku ah geedigga dowladnimo ee
Soomaaliya
2. Ururada bulshada rayidka ah waxa ay ugu baaqayaan madaxda dawladda federaalka
ah in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo sida ugu haboon ee danta shacabka
Somaaliyeed ku jirto, danta gaar ahaaneedna laga hormariyo danta guud.
3. Waxa ay sidoo kale ugu baaqayaan golaha shacabka oo ah wakiilada ummadda
Soomaaliyeed in ay waajibaadka saaran u gutaan si wadani- nimo ah, ALLE ka cabsina
ku jirto
4. SOSCENSA iyo PUNSAA waxa ay xal u arkaan in si daah-furan loo qabto kulanka
codka kalsoonida u qaadidda ee guddoomiyaha baarlamaanka sida uu qabo
Dastuurka Soomaaliya loona dhameeyo khilaafka taagan.
5. Dalladuhu waxa ay baaq u dirayaan Xukuumada iyo Golaha shacabka oo ku aadan
tixgelinta iyo u hogaansanaanta Dastuurka Dalka.
6. Dalladuhu waxa ay usoo jeedinayaa in golaha shacabka iyo xukuumaduba ay u
ogolaadaan bulshada rayidka in ay goob joog ka noqdaan qaabka hawsha ay u
dhaceyso
7. Waxa ay ka digayaan in hantida qaranka lagu sii huriyo khilaafka u dhaxeeya
Golayaasha Dowlada
8. Waxa ay xasuusinayaan madaxda qaranka in khilaafka hadda jira uu niyad- jab ku
yahay himmilada ummada Soomaliyeed, sidoo kalena uu dhaawacaya horumarkii la
gaaray muddadi lasoo dhaafay.
9. Ugu dambayntii waxa ay ugu baaqayaan mas’uuliyiinta dowlada in ay dhageystaan
isla markaana ay qaataan tallooyinka bulshada rayidka Soomaaliyeed si loo xalliyo
khilaafka taagan.

Wabilaahi Towfiiq

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA OO PDF AH.

War-murtiyeed ay soo saareen dalladaha bulshada rayidka ee SOSCENSA iyo PUNSAA.doc

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this