Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka Soojeeda Konfur Galbeed Oo Jawaari Ugu baaqay in uu iscasilo iyo Tirada Xildhibaanadii Mooshinka gudbiyay Oo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka koonfur Galbeen  ee Soomaaliya oo  maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Mooshinkii laga gudibyay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xildhibaanadan ka soo jeeda  Koonfur Galbeed ayaa waxa ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqeen in uu xilkan iska casilo, waxayna arintan ay muujinaysaa in uu Jawaari lakulmayo Mucaarad xoog leh.

Waxa ay ka codsadeen Gudoonka Aqalka hoose in uu tix galiyo soojeedintooda uuna ixtiraamo sharciga dalka uyaala.

Xil dhibaanadii Mooshinka ka gudibayay Gudoomiyaha oo xalay ilaa iyo maanta shirar kala duwan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa tiradooda waxa ay kor udhaafaysaa ilaa iyo 200 oo Xildhibaan , waxayna u soo jeediyeen  Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya in uu is casilo inta uusan Golaha hor iman.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhankiisa Gudoomiye Jawaari, balse Gudoomiyaha ayaa wali ku adkeesanaya in uu sharcigu sareeyo diyaarna uu uyahay in cod loo qaado Mooshinka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this