Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) +Sawirro :-Faaha: Faahin :-khasaarihii ka dhashay Doonidii ku bas beeshay Dekeda Bosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiir kuxigeenka wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka bada Puntland C/risaaq Nuur Cumar oo shir jaraaid ku qabtay xarunta Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka bada  Puntland ee Magaalada Bosaaso ayaa faah faahin ka waxa uu ka bixiyay khasarihii ka dhashay doonidii Maanta ku bas beeshay Meel 5 mail ujirta dekeda Bosaaso.
Wasiir kuxigeenka  ayaa sheegay in doonidan ay urarnayd  Ganacsatada Puntland taas oo  katimid  dalka isutaga Imaaradka Carabta .
Wasiir kuxigeenka ayaa sheegay in aysan awood ulahayd in ay badbaadiyaan doon taasi, maadaama ay waxbadan ay ka fogayd dekeda Bosaaso .
Waxa uu sheegay in ay ku dhaawacmeen 2 qof oo kamid ahaa shaqaalihii saarnaa doontaasi, dabkana uu ka kacay Matoorka doonta gudaheeda.
lama shaacin ilaa iyo hada cacadka hantidii saarneed doontaasi inta ay gaarayso.
Ma aha doonidii ugu horaysay oo sidan oo kale ugu bas beesho dekeda Bosaaso , sanadkii 2017 kii ayay ahayd markii dooni ganacsi oo  urarneed  qaar kamid ah ganacsatada Puntland ay kudagtay meel aan ka fogayn dekeda Bosaaso  .
Halkan ka dhagayso codka Wasiirka  kana daalaco sawirrada.
      Wasiir kuxigeenka dekedaha

vlcsnap-error187.png vlcsnap-error226.png vlcsnap-error324.png vlcsnap-error340.png vlcsnap-error381.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this