Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee dalka Talyaaniga u Qaabilsan Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Yariisow_Muqdisho-2.jpg?resize=815%2C457Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kala hadlay Ergeyga Gaarka ah ee dalka Talyaaniga u qaabilsan Afrika Mudane Luciano Pezzotti iyo Safiirka dalkas ee Soomaaliya Danjire Carlo Campanile sidii dalka Talyaaniga ay uga qeyb qaadan lahaayeen mashaariicda horumarineed ee Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan soo celinta xiriirka Caasimaddu ay la lahayd magaalooyinka kale ee dunida, taas oo qeyb ka ah qorshayaasha kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, soo celinta bilicda iyo tayeynta shaqaalaha Dawladda Hoose ee Xamar.

“Danjiraha iyo Saraakiisha safaaradda dalka Talyaaniga ee Soomaaliya waxaan isku af garanay muhiimadda ay leedahay in la soo celiyo xiriirkii ka dhaxeeyey magaalooyinka dalka Talyaaniga iyo Magaalada Muqdisho, si aan isu dhaafsanno khibradaha dhanka maamulka, xoojinna ay u noqoto dib u dhiska mashaariicda horumarineed.”

Inj. Yariisow ayaa sidoo kale tilmaamay in ay masuuliyiinta dalka Talyaaniga ka wada hadleen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dajinta dadka barakacayaasha ee ku nool gobolka Benaadir, arrinkan oo uu sheegay Guddoomiyehu in ay xal u helistiisa kala kaashanayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha Qaramada Midoobey, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dad kor u dhaafaya 500,000 oo barakacayaal ah ayaa ku nool Gobolka. Si aan xal ugu helno, dib u dajinna iyo nolol munaasab ahna aan ugu sameeyno waa in aan la kaashannaa cid kasta oo gacan naga siin karta xal u helisteeda, sababtoo ah ma aqbali karno in Caasimaddii ay dad barakac ku yihiin iyadoo Soomaaliya ay ka soo kabaneyso bur burkii,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Kulankan waxaa ku weheliyey Guddomiyaha Ku Xigeenkiisa Arriimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, iyadoona dhinaca Talyaaniga ay ka soo qeyb galeen.

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/DHAGEYSO_Yariisow_Muqdisho.mp3

Yariisow_Muqdisho-1.jpg?resize=815%2C544
Yariisow_Muqdisho-3.jpg?resize=815%2C544

PUNTLAND POST

The post Duqa Muqdisho oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee dalka Talyaaniga u Qaabilsan Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this