Sign in to follow this  
Cowke

Puntland 12TH Anniversary Preparations Under Way

Recommended Posts

Cowke   

LEICETER: Xuska Sanadguurada 12aad ee kasoo wareegtay goortii la asaasay Dowlad Goboleedka Puntland oo lagu qanayo Leiceter

Posted to the Web Jul 24, 04:04

 

Leiceter:(pp)- Dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool UK, gaar ahaan magaalooyinka Midlandiga waxaa loogu bishaareynayaa in la qaban doono Xuska sanadguurada 12aad ee kasoo wareegtay asaaskii Dowlad Goboleedka Puntland. Xafladaas waxaa lagu qaban doonaa magaalada Leicester . Munaasabadaas oo lagu soo bandhigi doono arimo baddan waxaa la dhigi doonaa: -

 

Goorta: Sabti 07/08/2010

Goobta: St. Matthews Neighborhood Centre

Saacadda: 14:00 – 19:00

 

 

 

Haddaba waxaan idiin rajeynaynaa kasoo qeybgal wacan iyadoo ay xafladdu u furan tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed yar iyo weyn, ciroole iyo waxgarad iyo waliba rag iyo dumarba.

 

Wixii faahfaahin dheeraad ah lasoo xiriira taleefoonada kala ah: -

Liibaan: - 07956668355

Laalac: - 079603746

Cabdixakiim 07949900582

abdi joje

saicentadv@yahoo.com

Daabacaada: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

banner-1-300x168.jpg

 

INDIA: Sanad guuradii Puntland oo looga diyaargaroobayo India

Posted to the Web Jul 23, 16:08

 

India: (pp)- Waxaa magaalada Hyderabad ee dalka India oo ardeyda soomaaliyeed aadka ugu badan yihiin ka socda qaban qaabo aan horey loo arag taas oo ardeyda reer puntland ugu diyaar garoobeyaan Sanad guuradii 12aad ee aas aaska Puntland kasoo wareegtey,Waxaa Xafladasi lagu qabanayaa Hotelka PEARL Ragency.

 

Ardayda soomaaliyeed ee wax kabarata dalka Hindiya dhamaantood hadal heynta xaflada sanad guurada puntland ee ardeydu ugu diyaar garoobeyso in ay qabtaan Habeenka 1/Augst/2010.

 

Mar aan booqdey xaafadaha kala duwan ee ardeyda reer puntland deganyihiin waxaa irid walba suran calaamada caanka u ah sanad guurada 12aad ee ardeyda reer puntland sanad walba ku qabtaan gudaha dalkan Hindiya, gaar ahaan magaalada ardeydu ugu badanyihiin ee Hyderabad.

 

Xafladaan sanad guurada 12aad ee aas aaska puntland waxaa dhexda u xirtey oo u istaagay isku dubaridisteeda qaban qaabinteeda iyo hawsha xaflada oo dhan Ururka Puntland Diaspora Forum (PDF) faraca dalka Hindiya oo uu gudoomiyaha uyahay aqoonyahanka Eng Mohamed Abdi Saciid (Sagac) waxaana uu si gaara hawshaan ugu xilsaarey oo uu gudoomiyaha qaban qaabada xafladaan ugu magacaabay Mr Mohamud Yusuf Qahar oo kamid ah ardeyda reer puntland oo aadka ufirfircoon kartitana uleh hawsha loo idmaday oo in badan kasoo shaqeeyey danaha ardeyda soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Puntland.

 

Waxaa xusid mudan shir xalay dhexmarey guud ahaan ardeyda reer puntland ee 8da Gobol oo ay puntland ka koobantahay kasoo kala jeeda ay isugu yimaadeen oo ay kaga tashanayaan hawlaha hor yaala ee xusida sanad guurada 12aad ee aas aaska Puntland, waxaana halkudhiga sanadkaan ee xaflada laga dhigay kalmada ah Kudayo Puntland ku dayo siday nabadeedu tahay! Waxaana ururka Puntland Diaspora Forum (PDF) uu balan qaaday in uu xiriir uu lasameeyey qayb kamida madaxda puntland ee dalka joogta in ay habeenkaas Telephone uga qayb qaadan doonaan xafladaas.

 

Hamoogaan ishana kuheyn marwalba gaar ahaan 1/Augst/2010 si aad uga bogitid xafladu sida ay udhacayso anaga oo si hagar la’aan ah idin kugu soo gudbin doona iyadoo Video Maqal iyo Muuqaal ah leh iyo sawiro sida ay xafladu udhacdo iyo marti sharafta kasoo qayb gali doonta oo noqon doona kuwo caan ka ah Gayiga umada soomaliyeed gaar ahaa Puntland.

 

Puntland Diaspora Forum india (PDF)

Eng Mohamed Abdi Said Ahmed

sadaam1991@hotmail.com

 

Daabacaada: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Gudiga qaban qaabadda 1 Agusta oo kulama is xig xiga ku leh Garowe

 

 

 

(Garowe) RBC: Gudiga qaban qaabadda 1Agusta oo ah xiligii l aas aasay Mamulka Puntland sandii 1998 ayaa kulma is xig xiga ku qaadanaya caasimada Puntland ee Garowe kuwaas oo ka arinsanaya sidii loo abaabuli lahaa munaasabadda 1 agusta .

 

Kulamadaa oo intooda badan xooga lugu sarayay sidii loo qan qaabin laha munaasabadaas ayaa waxa shir gudoominaya Gudoomiyha gudigaa arintaa loo xil saaray Wasiira Dowlaha Maamul wanaga Puntland Mxamed Faarax Ciise Gaasaan.

 

Mr Gaashaan ayaa sheegay in kulamada ay uga tashanayeen sidii xubin kasta halkee ay qaabilsaneed uga sii qabsan lahayd howsha loo xilsaaray waxuuna sheegay in ay aad ugu rajo waynyihiin in muaasabada ay si wanaagsan u qabsoonto.

 

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland oo ah halka munaasabada wayn lugu qabto ayaa iminka laga dareemayaa hadl haynta maalintaa 1 Agust waxaana goobaha lugu qaxweyo aad loo hadal haya maalintaa iyada ah iyo habka munaasabadaa u dici doonto .

 

Munaasabadaa aaskii sanadguuradii 12aad ee Puntland ayaa noqonaysa tii labaad oo si wayn looga xuso Puntland tan iyo xiligii uu maamulka qabtay Madaxwayanaha haatan xilka haya Cabdi raxmaan Maxamuud Farole

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxman ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this