Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia oo guryo casri ah ku wareejiyay maxaabiistii dhaqan celinta loo sameeyay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa guryo si casri ah loo dhisay lagu wareejiyay hormuudkii maxaabiistii lagasoo daayay xabsiyada dhaqan celinta Jigjiga, kuwaas oo dhawaan madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida uu cafiska ufiska ufidiyay.

Maxaabiista xarumaha dhaqantoosinta lagasoo daayay ee xukuumadu cafiska ufidisay ayaa waxaa kadib markii tababaro kusoo qaateen kulayadaha deegaanka guryahan sida casriga loo dhisay furayaashooda ku wareejiyay taliyaha ciidanka booliska gaarka ah ee deegaanka ahna kusimaha hogaanka nabadgalyada iyo cadaalada DDSI general Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale.

dhhu01.JPG

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay  hormuudkii maxaabiistii ay xukuumadu cafiska ufidisay oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin marka koobaad cafiska ay xukuumadu u fidisay iyo inay cafiska kadib intii tababaro kaladuwan lagu siiyay kuliyadaha deegaanka hadana maanta lagu wareejiyay guryihii ay ku noolaanlahayeen oo si rasmi ah loogu wareejiyay, waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada deegaanka oo run ahaantii si wanaag iyo sharaf ku dheehantahay ula dhaqmay mudadii ay ku jireen xeryaha dhaqan toosinta iyo hada oo ay kasoo baxeen.

dhhu00.JPG

dhhu02.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this