Sign in to follow this  
Deeq A.

AKHRISO:- Dowladda Ethiopia oo sharuudo ku xirtay siidaynta Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ethiopia ayaa sharuudo ku xirtay inay sii dayso Cabdikariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax oo katirsan jabhadda hubaysan ee ONLF ee ka dagaalanta dalka Ethiopia, kaasoo haatan ku xiran xabsi ammaankiisa aad loo ilaaliyo oo kuyaala Addis Ababa.

Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa bishii August ee sanadkii tagay waxaa dowladda Ethiopia gacanta u galiyay dowladda federalka Soomaaliya, kadib markii ay ku sifaystay inuu katirsan yahay urur argigixo oo qatar ku ah ammaanka labada waddan.

Afhayeen u hadlay jabhadda oo lagu magacaabo  Cabdulqaadir Xasan Hirmooge, ayaa warbaahinta u sheegay in wada hadaladii u dhexeeyay dowladda Ethiopia iyo jabhaddooda ay u fashilmeen sii daynta Qalbi Dhagax, iyagoo tilmaamay inay Ethiopia dalbatay inuu sarkaalkaas warbaahinta ka hor hadlo islamarkaana uu sheego inuu kasoo laabtay fikirkiisii xafjirnimo.

Waxa uu sheegay Afhayeenku inay jabhaddu arrintaas ka biyo diiday islamarkaana ay wada hadaladii halkaas ku hakadeen, inkastoo uu shegay in mar kale la iskusoo laabandoono, iyadoo qalo waliba laga doonayo inay kasoo dibacdo mowqifkeeda.

qalbi-dhagax.jpg

Puntlandi.com

 

 

 

 

Ururka ONLF ayaa mar kale ku baaqay in si nabad ah lagu sii
daayo Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ag Madaxda Ururkaas, kaas oo
ay dawladda Soomaaliya ugu gacan gelisay Itoobiya.
Ururka ONLF ayaa sheeegtay in sii daynta Qal-bi-dhagax lagu xidhay shuruudo ay
ka mid tahay inuu ka laabto mowqifkiisa siyaasadeed.
Afhayeenka Jabhada hubeysan ee ONLF Cabdulqaadir Xasan HIRMOOGE oo
Wareysi siiyay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay in wadahadalladii dhawaan ka
dhacay dalka Kenya aan wax natiijo ah laga soo saarin marka laga reebo in
waqtiyo kale la balamay.
Waxa uu sheegay in siideynta dowladda Itoobiya dhawaan Maxaabiistii faraha
badneyd ay ku timid banaanbaxyo ka dhacay deegaanada Dowlad deegaanka
Soomaalida Itoobiya iyo baaqyo kala duwan oo ka yimid Caalamka.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku adray in Cabdi Kariin Muuse QALBI-Dhagax
cadaadis lagu saaray in uu Saxaafada la hadlo isaga oo Shacabka dowlad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this