Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada Soomaaliya Oo Markale Shaacisay Mowqifkeeda ku Aaday Heshiiskii Shirkada DP-World

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa markale  ku celisay mowqifkeeda ku Aadan  Go,aankii dalka looga mamnuucay Shirkada  DP-world oo si sharci daro ah ula wareegtay qaybo kamid ah dekedaha kuyaalada ka Soomaaliya .

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Muqtaar Mahad Daa’uud oo manta kulan ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Go,aankii dowladda Soomaliya aysan waxba iska badalin.

Waxa uu Yiri Wasiirku “Markii ugu horreysay ee ay arrintani soo baxday wuxuu Wasiirka wasaaradda aaday Qaahira, jaamacatul Carab ayuu qudbad ka jeediyay fekerka Soomaaliya iyo mabaadii’da Soomaaliyana ayadoo qoraal ah ayuu u gudbiyay arrintaasi way socotaa Dublomaasiyad weeye kama hordhacayo laakiin arrinta Soomaaliya waa lama taabtaan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

 

Hadalkan  Wasiir kuxigeenka ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan labada Aqal ee Soomaaliya ay  Dalka ka mamnuucaya shirkadda DP-World oo  laga leeyahay Dalka isutaga Imaaraad-ka Carabta.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this