Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka oo dib u habeyn lagu sameeyay [9 Sarkaal oo xilalkoodii la baabi’iyey]

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in dib u habeyn lagu sameeyay saraakiisha ciidammada milateriga Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah qorsha cusub ee lagu wajahayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyay Hogaanada Ciidanka oo markii hore ahaa 23 Hogaan, balse haatan lagu soo Koobay 13 Hogaan, Waxaana lagu soo biiriyay dhalinyaro Saraakiil ah oo dibada wax lagu soo baray.

Wasiir Mursal ayaa caddeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu degay xarunta Taliska Ciidanka ee Dhismaha Wasaarada Gaashaandhiga, halkaas oo Todobaadkii udanbeeyay Madaxweynaha u ehayd Hoy iyo Xarun Shaqo.

Isbedelka hoggaannada taliska ciidamada xoogga dalka ayaa saameyn ku yeesay 9 sarkaal oo u badan Jeneraallo kuwasoo shaqada laga fariisiyey, kadib markii waaxyihii ay ku magacawnaayeen la baabi’iyey, taasoo ahayd tallaabadii ugu weyneyd ee isku shaandheyn lagu sameeyo taliska ciidamada Qalabka sida.

Dhinaca kale  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo todobaadkii la soo dhaafay uu howl maalmeedkiisa u wareejiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan is bedelada ciidan iyo abaabulka dagaal ee ka dhaka ah Al-Shabaab.

Wasiir Mursal ayaa sheegay in abaabulkan socda uu ka duwan yahay kuwii hore, isla markaana darajo ahaan ay ka hooseeyeen, isla markaana abaabulka hada socda uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

“Ciidamo isku dhaf ah ayaa ka qeyb qaadan doona dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, Ciidamada xoogga dalka kala ma ahan, abaabulka aan hada sameyneynno wuu ka duwan yahay kii hore, darajo ahaan wey ka hooseeyeen, laakiin abaabulkan waxaa hoggaaminaya Madaxweynaha Jamhuuriyada”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Waxaa uu sheegay in horay looga bartay in ciidamada dowladda marka ay deegaan xoreeyaan dib isaga soo baxaan, isagoo tilmaamay in tani ay ka duwan tahay, isla markaana ciidan kale loo diyaariyay, marka la qabto deegaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka oo dib u habeyn lagu sameeyay [9 Sarkaal oo xilalkoodii la baabi’iyey] appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this