Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sidee ayey u dhacday booqashada kediska ah ee RW Kheyre uu ku tagay Degmooyinka Dayniile iyo Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa xalay kormeer kedis ah ugu tagay Ciidamo gaar ah oo loo diyaariyey in ay fuliyaan howlgalo qorshaysan  oo Al-shabaab looga saaraayo deegaanada dalka ay kaga sugan yihiin.

Ciidankaan oo lagu diyaariyey degmooyinka  Dayniile iyo Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa ka kooban Booliis iyo Nabad sugida  kuwaa oo  u diyaarsan howlgal lagu  cirib tirayo maleeshiyada Al-shabaab.

Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali ayaa warbixin  ku aadan diyaar garowga ciidanka waxa  ka  dhageystay  Sarakiisha hogaaminaysa waxaa uuna  uu muujiyey tageero  isagoo ku hadlayey magaca Madaxwaynaha.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda oo wali ku guda jira kormeerka amniga ayaa waxa uu   booqday saldhigga degmada Hodan oo uu horay uga soo shaqeeyey waxa uuna kormeeray qaybaha kale duwan ee saldhiga isagoo qaabka uu ku shaqeeyo  saldhiga ka wareystay Taliyaha saldhiga degmada Hodan C/fitaax.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in saraakiisha ciidamada ay si hufan u gudanayaan waajibka Saaraan ee ah Suggida Amniga.

1-17.jpg?w=696

2-14.jpg?w=696

3-9.jpg?w=696

The post Sawirro: Sidee ayey u dhacday booqashada kediska ah ee RW Kheyre uu ku tagay Degmooyinka Dayniile iyo Hodan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this