Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegayso) Maxaa ka hirgalay nabadaynta colaadii koonfurta gobolka Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudigii Nabadeynta ee Beelihii dhawaan lagu heshiisiiyay deegaanka Meegaagle ayaa waxa ay kulamo wacyigalin ah ay ka wadaan deegaanadii ay labadasi beelood ay kala suganyihiin si loosii xoojiyo Nabad galyada iyo wada noolaanshaha labada Beelood ee Cumar Maxamuud iyo Bahararsame.

Nabadoon Xuseen C/raxmaan Xaaji  oo kamid aha Gudigii Nabadeynta ayaa sheegay in sababta keentay in xiligan ay wacyi galinta ay sameeyaan ay ahayd in go’aanadii heshiiska lagu kala saxiixday Meegaagle ay kamid ahaayeen wixii lagu balamay in lakala fogeeyo dagsiimooyinka iyo meelaha ay xooluhu ay wada daaqaan si uusan markale isku dhac u iman.

Nabadoonka ayaa sheegay in inatabada ay hirgaleen heshiiskii lakala saxiixday, balse wacyi galintaan ay tahay adkaynta iyo xoojinta heshiiskaasi si uu unoqdo mid mira dhal yeesha.

Nabadoon Xuseen ayaa sheegay in aysan qabin wax cabsi ah oo markale dhalin karta dagaal dhexmara labadan Beelood ee wadadagan.

15- bishii February ayay ahayd Markii ay heshiiskaasi ay ku kala saxiixdeen labadan Beelood deegaanka Meegaagle ayna garwadeen ka ahaayeen Isimada dhaqanka ee labada dhinac  iyo dowladda Puntland oo dhanka farsamada iyo Fududeenta kataageeraysan heshiiskaasi .

Halkan ka dhagayso Waraysiga uu siiyay Warsidaha Puntlandi.com Xafiiskiisa Bosaaso.

      Nabadoon Xuseen

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this