Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Maqaaladii Qoraaga Wayn Ee Bashiir Sh. Cumar Goth.

Recommended Posts

Maskaxmaal: Madal La Isku Arkay Oo Lagu Soo Bandhigay Maqaaladii Qoraaga Wayn Ee Bashiir Sh. Cumar Goth

 

Maqaalada Qoraagani Waa Bog Cusub Oo Caawa Bilaw Ah Oo Dad Badan U Horseedi doona Inay Wax Qoraan, Fikirkooda cabiraan, Isla Markaana Noqdaan Kuwo Ka Taga Kayd iyo Diifaan Xusuus-qoreed oo…..Gud. Maskaxmaal-Mud. Maxamed Cali Cismaan

 

Boorama-(Lug)- Madal si wayn loo soo agaasimay oo ahayd bandhigii 16aad ee Madasha Akhriska ee Maskax Maal ee Magaalada Boorama ayaa lagu soo bandhigay maqaalada qoraaga wayn ee Bashiir Sh. Cumar Goth oo waqti xaadirkan ku nool dalka Imaaraadka Carabta. Madashan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxa ka soo qayb galay dhagaysigeeda iyo ka qayb qaadashadeed dadwayne aad u tiro badan oo isugujira bahda akhriska, bahda qoraalka iyo dadwayne kale oo xiiso gaar ah u qabay inay dhagaystaan dulucda iyo qoraalada qoraagan Bashiir Sh. Cumar Goth oo ay wax badan maqaaladiisa ama maqleen ama akhriyeen. Waxana habeenimadan xusid mudan oo si wayn isugu hawlay soo akhrinta iyo bandhigida maqaalada qoraangan Miss. Hoodo Maxamed Xasan iyo Mud. Cabdale Cali Yuusuf oo si talantaali ah isku waydaarsanayay habsami u socodkii madashii habeenimadaasi.

 

Ugu horayntii madashan oo uu ka hadlay Gud. Madasha Maskaxmaal Mud. Maxamed Cali Cismaan ayaa waxa uu carabka ku dhuftay inay madashan caawa la joogaayi tahay mid ka duwan madalihii hore waxana isaga oo xusaya uu yidhi “ Waxaa bog cusub oo caawa bilow ah oo wado horleh oo ku soo hirasho iyo ku dayasho mudan horseedi doona, isla markaana uga filan inta jecel qoraalka ama ay u qorshaysan tahay mustaqbalka inay wax qoraan sidii ay hibadooda qarsoon ee qoraalka u soo bandhigi lahaayeen ama u sii xoojin lahaayeen mihnadooda qoraalka… waxa hubaal ah in Bashiir Sh. Cumar Goth uu yahay qoraa wayn oo astaan u noqon kara awooda qalinka iyo soo bandhigida macnayaasha muuqda iyo kuwa qarsoon ee waaayaha uu qaroogu damacsan yahay inuu ka waramo, waxa aan rajaynayaa in ay dad badan caawa ku dhalan doonto inay dib isku milicsadaan oo ay bilaabaan sidii ay qalinka u qaadan lahaayeen iyaga oo ka midho dhalinaya hamiga ah in qoraalku uu yahay wax wanaagsan oo kayd iyo diiwaan xusuus-qor maguuraan ah u ah dhaqanka, waayaha iyo marxaladaha kaladuwan ee ay bulsho ku jirto kuwaasi oo mustagbalka dambe aanay xusuusteenu soowada koobayn ilaa qoraal ku kaydsan bayjaj la xafiday oo qoraa indheer garad ahi ka tagay mooyaane.

 

Bandhigan intuu ii socday ayaa waxa ay soo bandhigayaashii madashu carabka ku dhufteen in maqaalada Qoraagani ay aad u badan yihiin isla markaana anaan madal waqti kooban soconaysa lagu soo koobi karin, waxana ay halkaasi ku soo bandhigeen maqaalo 6 ah oo ay ka soo dhex xuleen maqaalada tirade badan ee qoraaga kuwaasi oo ay si micno badan samaynaysa ugu soo koobeen intii ay madashu socotay waxana ay kala ahaayeen maqaladaasi:

 

1. Adopt villages, not pet children oo la daabacay 6 November 2006

2. African Women: The better half oo la daabacay Saturday, February 4, 2006

3. Back to Africa oo la daabacay 2 January 2006

4. Singing into a vacuum : the torment of a Somali playwright oo la daabacay July 2, 2005

6. Obituary: The body retires but the dream remains oo la daabacay September 12, 2003

6. Shunning extremism on both sides oo la daabacay September 10, 2010

 

Waxa kale oo madashan ay bandhigayaashu habeenkani ku qaadeedhigeen dulucda ay xambaarsan yihiin maqaaldani, kuwaasi oo noqnaday kuwo si muuqata u qabsaday shucuurta dhagaysatayashii kala duwanaa ee madasha, waxa si gaar ah loo xusi karaa maqaalada kala ah African Women, iyo Back to Africa oo ay soo bandhigtay Hoodo Maxamed Xasan kuwaasi ay ku falanqaysay qaabka uu qoraagani u soo taabatay mushkiladaha maanta haysta bulshadeena, waxa ay Hoodo suuraysay xaalka ay Gabadhu/Hooyadu ku sugan tahay maanta ee uu qoraagu tilmamay iyo sida ay duruufahaasi u yihiin kuwo laga run sheegay loona baahan yahay in loo guntado sidii loo xalin lahaa.

 

Sidoo kale maqaalka uu qoraagu ka qoray waayihii macalinkii, siyaasigii iyo mudanahii waynaa ee AHUN Bashiir Faarax Kaahiye oo uu magaciisu ahaa Obituary: The body retires but the dream remains waxa uu ahaa mid badi dadkii madasha fadhiyay ee dhalinta ahaa u iftiimiyay waayahii AHUN Bashiir Faarax Kaahiye oo badidooda uu warkiisu ku ahaa mid teel-teel ah ama aanay aqoon badan u lahayn. Dhinaca kale waxa aan meesha ka madhnayn oo Gud. Maxamed Cali Cismaan oo si guud mar ah u dul xaadiyay maqaal kale oo Qoraagu uu isku barbardhigay bulshada reer Boorama iyo Bulsho kale oo ku nool magaalo ku taala Waqooyiga Amerika oo uu tilmaamay inay wadaagaan hindisaha ahaa inay wadada dhistaan, isaga oo xusay in ay tahay guul wayn.

 

Dhinaca kale waxa iyaguna xiiso gaar lahaa oo madasha uu Mud. Cabdale Cali Yuusuf ku soo kordhiyay in Bashiir Sh. Cumar Goth aanu ahayn qoraa oo kaliya balse uu yahay mu’alif suugaan yahan ah oo marar badan maqaaladiisi micno gaar ah ay u sameeyaan suugaanta farshanaimada leh ee uu u adeegsanayo sida ku cadayd maqaalkii ahaa Singing into a vacuum : the torment of a Somali playwright. oo uu soo bandhiguhu si gaar ah u soo xigtay maano uu tiriyay sanadii 1999 qoraagu taasi oo uu ku cabirayay qoraagu in rajo badani ay jirto oo maalin maalmaha ka mid ah uu maqli doono in dhaqanka, luqada iyo dalkaba loo gurmaday, waxana ka mid ahaa maansadaasi:

 

“Dalkaygow wallaahiye

Warwarkiyo waxyeeladu

Cidna lama walaaloo

Qofna weerka dhiilada

Wehel looma siiyoo

Kuma waaro ciilkee;

Waxad wayda haysaba

Waagii dhawaayoo

Walaacani ku haystiyo

Walbahaarku wuu tegi;

Wallee maalin dhow waqal

Weelka loo dareershiyo

War caloosha deeqoo

Gaajada badh wiiqoo

Wadnaha ii qaboojiyo

Weedh aan ku diirsado

Waayeelka hirarkiyo

Ababshaha wardoonkiyo

BBCiidu way werin…”

 

 

Si kastaba ha ahaatee madashii habeenimadaas oo aan la soo wada koobi karayn micnaha ay samaynaysay ayaa waxa halkaasi la isku waydaarsaday su’aalo iyo aragtiyo kala duwan oo ku wajahnaa maqaalada la soo bandhigay iyo qoraaga laf-ahaantiisi kuwaasi oo dhinacyo badan laga eegay, inkastoo hadaba la isla waafaqay inuu qoraagan Bashiir Sh. Cumar Goth yahay shaqsi qalinka u adeegsada ku soo bandhigida dareenada kala duwan ee hibanaya laabtiisa ayaa hadana waxa aan meesha madhanayn oo la xusay in qaabka qoraaladiisa badi ku qoran Af-ingiriisigu ay yihiin kuwo aad u kakan oo aan la fahmi karin isla markaana ay ku badan yihiin duurxulka micnaha iyo ujeedooyinka uu meelaha fog’fog ugu tagayo lrh iyo sidoo kale dib u gocashada waayo hore oo tagay oo ay akhristayaasha qaarkood ku adag tahay inay xidhiidh ka dhaxaysiiyaan mawduuca uu ka waramayo ee ay akhrinayaan iyo baaxaadaga xusuuseed ee qoraagu uu mararka qaar dib u milicsanayo sanado badan oo la soo dhaafay wixii dhacay sida ku cad maqaalkii la magac baxay Obituary: The body retires but the dream remains

maskaxmaal-boorama-2.JPG

 

Mida labaad ee ay akhristayaal badani isaga marag kaceen waxa ay ahayd buugaagta labada ah ee kala ah IFAFAALAHA AWDAL iyo BADDA WEERAR LAGU QAAD oo aanan la helin nuqulo ka mid ah taasina ay sababtay in dad badani ay fursad u waayaan sidii ay u akhrisan lahaayeen buug qoran oo uu qoray Bashiir Sh. Cumar Goth.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Mr. Goth is a gifted and prolific writer who was staunch unionist in early ninties up until Riyaale accidentally became the president of self-styled admin of 'SL'. I even exchanged some pieces with him. We shall wait and see how the dynamism of that part of the country alters yet again his views.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this