Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo bilowday dejinta Imtixaanka Shahaadiga ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa bilowday dejinta Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2017-2018,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaraddda.

Lixdan iyo lix macallin ayaa loo qorsheeyay in ay muddo 5 maalmood ah soo dejiyaan Imtixaankan Shahaadiga ah oo ay u fariisan doonaan ardayda fasalka 8 aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4 aad ee dugsiyada sare dhammaan degaannada Puntland.

Macallimiinta soo diyaarinaya Imtixaankan sannadkan ayaa ka kooban 42 macallin deJiyaal ah,lix macallin turjumayaal ah,iyo 24 macallin oo hubiyaal ah,waxaana qoraalka lagu sheegay in dejiyaasha Imtixaanka sannadkaan ay ka yar yihiin sannadihii la soo dhaafay,kadib markii uu hoos u dhac ku yimid taageeradii dhaqaale ee lagu kabi jiray.

Halkaan ka akhriso qoraalka Wasaaradda.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo bilowday dejinta Imtixaanka Shahaadiga ah. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this