Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Waxabarashada Puntland oo bilowday Dajintii imtixaamadka Sanad Dugsiyeedka iyo taageeradii caalamka oo hoos udhacday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarunta Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland magaalada Garoowe ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayey dajinta imtixaamadka kama danbaysta Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2017-2018.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, gaar ahaan Xafiiska Guddiga Imtixaanaadka. Kullankaan ayaa waxaa kasoo qaybglay macalimiinta ka hawlgala Dugsiyada dhaxe iyo kuwa dugsiyada sare , shaqaallaha xafiiska imtixaanaadka iyo shaqaallaha kale ee ka mid ka ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Agaasimaha Waaxda imtixaamadka ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Axmed Maxamud Warasame ayaa hadalo daah fur ah ka sheegay maddashaas, isaga oo sheegay in kulankaani uu yahay mid ku aadan dejinta iyo diyaarinta Imtixaanaadka sanadka 2018. Waxaa sidoo kale Agaasimuhu waxaa kalo sheegay in dhaqalihii imtixaanka sidii horay ahayn balse lagu shaqaynayo daruufaha jira awgeed.

Agaasime Ahmed waxa uu macallimiinta dejinaysa imtixaanka kula dardaaray in ay shaqada loo igmaday ay ka soo baxaan iyaga oo tixgelin siinaya duruufaha waxbarasho ee wadankeena.
Sidoo kale waxaa goob joog ahaa Madaxa shahadooyinka Waaxda Imtixaamaadka Mudane Maxamud Si Maxamed siciid (Caynsane) waxaa uu sheegay in 66 macallin ay sanadkan dejinayaan imtixaamaadka Puntland. Sidoo kale madaxa shahadooyinka Imtixaamaadka Puntland ayaa xusay in tirrada macallimiinta dejin jirtay imtixaamaadka sannadihii la soo dhaafay ay intaa ka badnaayeen; balse, sannadkan ay hoos u dhac ku yimid taageeradii dhaqaalle ee lagu kabi jiray imtixaamaadka oo yaraatay.

Shaqada macalimiinmta dajinaya imtixamaadka ayaa ah in ay diyaariyaan imtixaanka ay u fariisan lahaayeen Ardayda dhigata fasalka 8aad (Dugsiyada Dhexe) iyo sidoo kale fasalka 12aad (Dugsiyada Sare). Dajintaas oo Soconaysa Mudo 5 maalmood ah, waxaana ka qeyb qaadanaya 24 macalin Hubiyaal, 42 macalin dejiyaal, 6 Macalin Turjumayaal.

Ugu danbayntii Agaasimaha imtixaamadka Axmed Maxamud Warsame ayaa si wadajir ah ugu mahad celiyeen macalimiinta ka soo qayb galay kulankaas khaas ahaan Gabadhaha oo tiradooda oo aad u badnayd.

29249909_583716981961619_324088689909125 29257663_583717375294913_626250026524798 29313471_583717665294884_904806781578796 29313665_583718011961516_826519683978529 29340540_583718275294823_465304218995846

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this