Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Oo Safarkiisa Qadar ubaajiyay Maanta khilaafka ka dhextaagan Golaha Fulinta iyo Sharci dajinta Ee dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo  iyo Wafdi uu  hogaaminaayay oo malmahanba qorshaynayay in ay safar shaqo ku tagaan dalka Qadar  ayaa safarkooda waxa u baajiyeen  khilaafka udhexeeya Gudoonka Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

Madaxweyne Farmaajo oo maanta oo Axad ah qorshaynayay Safarkaasi , ayaa go,aansaday in uu san dlka ka Ambabixin iyadoo wali ay taagantahay Xiisada siyaasadeed ee ka dhex taagan Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ilaa iyo shalay waxaa saarnaa cadaadi uga imanayay Xildhibaanada Barlamanka qaarkood kuwaas oo  Madaxweynaha ku booqrinayay in uu shaaciyo Mowqifkiisa ku aadan khilaafka, waxayna wararku ay sheegayaan in Madaxweynaha uu doonayo in uu dhex dhaxaadiyo Gudoomiyaha iyo  Ra’iisul Wasaaraha ka hor inta aan Mooshinka cod lagalin .

Madaxweynaha ayaa ku sugan haatan Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya halkaas oo uu maalmahanba  uu ka waday howlihii shaqo ee dalka , tan iyo wixii kadambeeyay markii uu soo ifbaxay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay   Golayaasha Fulinta iyo Sharci dajinta ee dalka.

 

lama oga ilaa iyo hada sida uu xaalku ku dambayn doono ,waxayna Xildhibaanadii Baarlamaanka ee Mooshinka ka Gudbiyay  Guudoomiye jawaari ay sheegeen shalay in Mooshinkaasi loo qaadi doono cod ,kadibna hadii uu gudoonku dhaco Mudo 15 maalmood gudahood ay ku soo dooran doonaan Gudoon Cusub.

Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay Xaalada Siyaasadee ee cakiran ee dalka Soomaaliya ka taagan , waxaana haatan xaruntii Golaha shacabka Amnigeeda gacanta kuhaya Ciidamada Amisom.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this