Sign in to follow this  
Deeq A.

Kalfadhigii barlamaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay kadib jahwarareerka siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulamadii Kalfadhiga barlamaanka Soomaaliya ayaa dib loo dhigay illaa iyo todobaadka soo socda, kadib jahwareerka siyaasadeed ee ka dhex taagan barlamaanka iyo xukuumada.

Xubno katirsan barlamaanka ayaa warsidaha Puntlandi u xaqiijiyay in xaalada ammaan ee xarunta barlamaanka ay noqotay mid aan hubanti ahayn, iyadoo laga cabsi inuu gacan ka hadal dhex maro xildhibaanada mooshinka kasoo gudbiyay Jawaari iyo kuwa taageersan.

Xildhibaanada mooshinka ayaa sheegay inuusan Jawaari shir guddoomindoonin golaha barlamanka ayna ka hor istaagidoonaan tilaabo kasta oo uu sameeyo.

Amamanka xarunta barlamaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagusoo daad gureeyay ciidamo ka socda Amisom oo guud ahaanba la wareegay amamanka golaha barlamaanka.

Guddoomiye Jawaari ayaa lagasoo xigtay inuu ammaankiisa halis ku jiro islamarkaana uu dalbaday in xarunta barlamaanka laga wareejiyo ciidamada Raysal Wasaare Kheyre ka amar qaata, kuwaas oo horey loo xasuusto inay weeraro toos ah ku qaadeen siyaasiyiin caan ah.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this