Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka sare oo guddi u magacaabay Khilaafka Baarlamaanka Iyo Raysal Wasaare Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo uu hogaamin doono Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi xaashi C/laahi.

Guddigan ayaa wuxuu ka shaqeyn doonaa inay xal dhexdhexaad ah ka keenaan muranka ka taagan mooshinka xilka looga qaadayo Guddoomiye Jawaari, iyo weliba gacmagacmeynta Madaxtooyadu ku leedahay kiiskaas.

Guddoomiye Jawaari ayaa xalayba wuxuu sheegay in Raysal Wasaare Kheyre uu yahay ninka ka danbeeya in ciidamo uu keeno Xarunta Baarlamaanka, isla markaasna ay horayba u jireen arrimo ay isku mari waayeen oo ay ku kala boodeen.

Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u xiligan u muuqda mid u qalab qaatay siday u xalin lahaayeen khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay hay’adaha dowlaiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

goaana.pnggoaan1.png

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this