Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf muddo dheer ka taagnaa degmada Bursalaax oo xal laga gaaray.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Dagmada Bursaalax iyo beesha Wadal Muge oo kamida beelaha degaanka ayaa maantay yeeshay shir xal looga gaaray kjilaaf in muda ah xanibay wada shaqaynta beesha iyo maamulka dagmada, sida bixinta canshuurta iyo ka qaynqaadasha horumarka dagmada.

Shirkan oo uu ka qaybgalay Maamulka Gobolka Mudug ayay beesha Wadal Muge iyo maamulka dagmada Bursaalax ku wada qaateen in beesha ay bixiso canshuurta una hogaansamaan nidaamka dowliga ah sida beelaha kale ee dagan dagmada.

Gudoomiyaha dagmada Bursaalax ee Gobolka Mudug Maxamed Saleebaan ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay tanaasulka ay sameeyeen beesha Wadal Muge

Waxgaradka beesha wadar muge ayaa iyana ka hadlay tabashadoodii hore ee Maamulka Dagmada iyo tanaasulka ay maantay sameeyeen.

Ugu dambayn Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif Abgaalow ayaa ka mahadceliyay shaqooyinka ka socda dagmada iyo Tanaasulka Beesha Wadal Muge, isagoo sheegay in loo baahan yahay horumarka degaanka in laga wada qeyb qaato, la iskana ilaawo wax kasta.

1-5.jpg

18-2.jpg 12-2.jpg 16-2.jpg 6-4.jpg

4-4.jpg 18-2.jpg 17-2.jpg 12-2.jpg 16-2.jpg 15-2.jpg 11-2.jpg

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this