Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda siyaasadeed ee udhexaysa wadamada Ruushka iyo Britain oo sii kordhaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Moskow-(Caasimadda Online)-Khilaafka dhinaca Diplomaasiyadda ee wadamada Britain iyo Ruushka ayaa sii kordhayay maalmihii ugu dambeeyey,kadib markii Dowladda Britain ay ku eedeysay Ruushka in uu sumeeyay nin hore uga tirsanaa Sirdoonka Ruushka iyo gabadhiisa oo ku sugan Dalka Ingiriiska.

War ay soo saartay Dowladda Dalka Ruushka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Moscow ay si weyn uga soo horjeedo eedeynta wasiirka arrimaha dibadda Britain ee ah in madaxwayne Putin uu amray samaynta nin horey uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka.

Dalalka ku bohoobay gaashaanbuurta NATO iyo qaar ak mid ah madaxda Yurub ayaa dhinacooda waxay sheegeen in ay garab istaagi doonaan Britain oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo Ruushka.

Arrintaan ayaa u muuqata mid saameyn weyn ku yeelan karta midnimada iyo wada jirka wadamada NATO marka loo fiiriyo ismaandhaafka cusub oo soo kala dhexgalay labada Dowladood ee Ruushka iyo Britain oo labaduba kamid ah wadamada ugu awoodda badan ee Dunida maadaama ay kala taageersan yihiin labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xiisadda siyaasadeed ee udhexaysa wadamada Ruushka iyo Britain oo sii kordhaysa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this