Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) +Sawirro:- Dufcadii Afaraad Ee Ardayda Daraasaadka Sare Ee Jaamacada Bariga Afrika Oo Xaflad Soo dhawayn ah loogu Qabtay Bosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaflad lagu soo dhawaynayay Arday bilowday Daraasaadka sare ee jaamacada Bariga Afrika qaybat Shareecada  ayaa lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Amal ee Magaalada Bosaaso.

Munaasibada ayaa waxaa ka soo qabgalay Madaxda sare ee Jaamacada Bariga Afrika , Macalimiinta jaamacada Culimada, Waalidiin iyo Ardaydii kulanka Soodhawaynta ah loo sameeyay .

Ardaydan ayaa ah Dufcadii Afaraad ee bilowda Daraasaadka sare ee kuliyada Shareecada ee Jaamacada Bariga Afrika Xarunteeda Magaalada Bosaaso.

C/rashiid Sheekh Saalax oo ah Madaxa kuliyada Shareecada iyo Daraasaadka sare ee Jaamacada  Bariga Afrika ayaa waxa uu sheegay in guud ahaan marka laysku daro  tirada Ardayda kuliyadan dhigata, kuwii ka qalin jabiyay, iyo kuwa hada ku soo biiray tiradooda guud ay yihiin 70 Arday .

Waxa uu gaba gabadii  Madaxda  Jaamacada uu ka codsaday in Ardayda loo sameeyo  Maktabad ay ku diyaariyaan  Daraasaadkaasi.

Gudoomiye kuxigeenka Jaamacada Bariga Afrika Maxamuud Ciise Awoowe oo Munaasibada kahadlaya ayaa sheegay in  Ardayda ay ku soo dhawaynayaan  gacmo furan iyagoon heli doona Macalimiin ku taqasusay Daraasaadka sare,waxaana uu ka sheekeeyay Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay  Jaamacada Bariga Afrika.

Sheekh Yuusuf C/casiis oo kamid ah Boorka Jaamacada ayaa Ardayda ubalan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan loogu hirgalin doono Maktabada ay dalbadeen inta aan lagaarin xiliga kuleelaha ee Magaalada Bosaaso.

Hadaba halkan ka dhagayso hadalada Mas,uuliyiinta  hoosna  ka daalaco Sawirrada.

      codka jaamacada Bariga Afrika

1-4.jpg 2-4.jpg 3-3.jpg 4-3.jpg 5-3.jpg 6-3.jpg 7-2.jpg

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this