Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo walaac xoogan ka muujisay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan barlamaanka iyo xukuumada federalka Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha caalamka ayaa si aad ah uga welwelsan qulqulatooyinka siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Muqdisho, taas khatarta ku ah horumarada siyaasadeed, dhaqaale, hanaanka nabadgelyada, iyo dib u dhiska sumcadda Soomaaliya.

Waxay beesha caalamku ugu baaqday hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in ay ixtiraamaan xukunka sharciga iyo Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah ee xalinta khilaafaadka siyaasadeed. Waxaa kale oo ay ka digeen wax walba oo keeni kara rabshad ama wiiqi kara in si dimuqraadiyad ah lagu dhameeyo khilaafka taagan.

Bulshada caalamka waxay ku boorrineysaa hoggaamiyayaasha Baarlamaanka iyo Fulinta in ay yeeshaan doodo ixtiraam leh maalmaha soo socda iyo in ay isticmaalaan hab dastuuri ah oo nabad ah si loo xaliyo khilaafaadka siyaasadeed.

Puntlani.com

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this