Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaarada Amniga oo Beenisay in ciidamo ay la wareegeen Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaarada Amniga Gudaha xukumada Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Booliska oo Goordhow wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay in ciidamo ay la wareegeen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

kusimaha wasiirka Amniga ahna Wasiiru dowlaha wasaarada Amniga Xasan Macalin Xuseen iyo Taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed ayaa arintaasi been abuur ku tilmaamay.

Labada masuul ayaa sheegay in ciidamadaasi ay yihiin ciidamo katirsan kuwa booliska islamarkaasina sugaya amniga Baarlamaanka.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in amarkaasi lagu sugayo Baarlamaanka uu ka soo baxay wasaarada amniga islamarkaasina sare loogu qaadayo amniga Baarlamaanka maadaama uu furmay Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka.

“Majirto barlaman la qabsaday waa waxba kama jiraan, ciidamo boolisa oo amniga xoojiya ayaa la geyay Xarunta Barlamanka Somaaliya” ayuu yiri wasiiru dowladaha

Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay in Taliska amniga aanay quseeynin siyaasadaha kala duwan ee dalka hayeeshee iyaga ay waajib ka saarantahay sugida amniga masuuliyiinta iyo xarumaha dowlada.

Hoos ka Dhageyso Codka Labada Masuul

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/Wasaarada-amniga-Cowke-Pp-Muqdisho.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Wasaarada Amniga oo Beenisay in ciidamo ay la wareegeen Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this