Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Guddoomiye Jawaari.” Ummada Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in barlamaankii Soomaaliyeed weerar lagusoo qaaday uu oo gacanta u galay Raysal Wasaare Kheyre.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiye Jawaari ayaa xaqiijiyey in ciidamo Raysal wasaaraha Soomaaliya ka Amar qaata ay la wareegeen xaruntii Golaha Shacabka, isagoo ku tilmaamay tilaabo fool xun oo dhaawac ku ah qaranimada Soomaaliya iyo xad gudub ka dhan hay’adda sharci dajinta dalka.

Guddoomiye Jawaari waxaa uu sheegay xukumadu inay weerar kusoo qaaday Barlamaanka, mooshinkiisana uu sabab iyahay Arimo Qaranimada ka hor imanaya oo uu diiday in uu saxiixo.

“Raysal Wasaare Kheyre ayaa si toos ah ula wareegay xaruntii barlamaanka, ciidamadii difaaca xarunta golaha waa laga wareejiyay, waxaa la keenay ciidamo kale, waxaan halkaan ka cadeynayaa wixii masuuliyad ah oo arrintaan ka yimaada waxaa si toos ah u qaadanaya raysal Wasaare Kheyre,” ayuu yidhi Jawaari oo goor dhowayd shir jaraa’id saxaafada u qabtay.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in barlamaankii Soomaaliya uu gacantaydii ka baxay  lana wareegay Raysal Wasaare Kheyre,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Guddoomiyaha barlamaanka, ayaa dhinaca kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu wajo mooshinka lagasoo gudbiyay, inkastoo oo uu sheegay inay 99 xildhibaan kaliya saxiixeen, balse waxaa uu xildhibaanada soo abaabulay ugu baaqay inay soo buuxiyaan tirada ka dhiman mooshinka oo ah hal xildhibaan, si looga doodo, haddii kalsoonida lagala noqdona uu diyaar u yahay inuu aqbalo.

Dhinaca kale, xiisad siyaasadeed oo aad u culus ayaa caawo ka taagan magaalada Muqdisho, xilli maalinta berrito barkamaanku iskusoo laabandoono.

Wixii faahfaahin ah oo dambe kala socda Puntlandi

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this