Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ay howlgal ka sameeyeen tuulada lagu Magacaabo Bulacle, waxaana sidaa ku bilowday dagaal toosa.

Dagaalka oo muddo badan qaatay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana  haatan xiisada dagaalkaas sidoo kale laga dareemayaa Degmooyinka Maxaas Matabaan iyo Degmada Buulo Burde ee isla gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa la sheegay inay ku naf waayen ilaa Afar askari oo ka tirsan ciidamada dowlada, halka maleeshiyaadka al-Shabaab looga dilay Lix maleeshiyo oo laba kamid ah ay ku dhinteen dhaawac culus oo soo gaaray.

Sidoo kale,ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ayaa iminka ku sugan dhammaan goobaha uu ka dhacay dagaalka, waxaana laga cabsi qabaa in halkaa uu mar kale ka dhaco dagaal.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan deegaanada HirShabelle ay ka socdaan howlgalo kadhan ah al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com

The post Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this