Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaradka Oo sheegay in Soomaaliland uu Ciidamo utaba bari doon kadib Safarkii Muuse Biixi Ee Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muse Biixi oo wali kusugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa Waraysi uu siiyay Wakaalada Wararka ee Reuters waxa uu ku sheegay in Imaaradka ay ubalan qaadeen in Soomaaliland ay utaba bari donaan Ciidamada Booliska iyo Milatariga .

Waxa uu Muuse Biixi sheegay in ay rajo wagaansan ka qabaan in heshiiskan mudo 2 bilood gudahood lagu soo gaba gabayn doono.

Xiligii uu Waraysigan bixinayay Muuse biixi waxaa goobta ku we heliyay Wasiirkiisa Arimaha dibada ee Soomaaliland Sacad Cali Shire waxaana lawaydiiyay Wasiirka  tirada Ciidamada loo taba bari doono wuuna ka gaabsaday  Su,aashaasi in uu ka jawaabo.

Imaardka Carabta ilaa iyo hada kama aysan hadlin hadalka Muuse Biixin ka soo baxay .

Mar uu ka hadlaayay dhismaha Saldhiga Milatari ee uu Imaardka Carabta uu ka dhisayo Magaalada Ber bera ayaa waxa uu sheegay Biixi  in dhamaadka Sanadkan gudihiisa la dhamaystiri doono Saldhigaasi.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili shalay Aqalka Sare ee Soomaaliya ay iyaguna  dhankooda ay Ansixiyeen xeerkii dalka looga Mamnuucayay Shirkadaasi.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this