Sign in to follow this  
Deeq A.

Labo qof Oo Midi uu yahay Askari katirsan Ciidamada Amniga Oo ku dhintay Weerar Xalay kooxo Hubaysan ay ku Soo Qaadeen Goob Gaadiidka lagu baaro

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxaysaa  weerar Xalay  kooxo hubaysan ay ku qaadeen  goob ay Ciidamada Amniga ee Gobolka bari  gaadiika dadweynaha ay ku baaraan oo  ku dhawayd  dekeda Magaalada Bosaaso .

inta naloo xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhintay weerarkan oo midi uu yahay Askari  ka tirsanaa Ciidamadii la soo weeraray iyo  wiilyar oo kamid ahaa dadkii goobta ka ag dhawaa, waxaana weerarkan ku dhaawacmay sidookale 5 qof oo shacab ah oo lbo kamid ah ay yihii Haween  .

kooxdii soo qaaday weerarkan ayaa goobta ka baxsaday sida lasheegay ,waxayna Ciidamada Amniga ay sameyeen howlgalo ay ku so qab qabteed dad latuhun sanyahay , kuwaas oo lagu xiray Saldhiga Bartamaha Bosaaso.

Sidookale shalay Askari katirsan Ciidamada Amniga ee Gobolka bari  ayaa lagu dilay Bartamaha Suuqa Caanaha ee Magalaada Bosaaso , waxaana  goobta ka baxsaday kooxdii dilka fulisay.

Mudo sadax bilood ku dhaw ayaa haatan laga joogaan markii kooxo hubaysan ay weerar xoogan ku soo qaadeen Saldhigii Bartamaha ee Magaalada Bosaso halkaas oo uu ku dhaawacmay Taliye kuxigeenkii Saldhiga iyo sadax Arsaki oo katirsanaa Ciidamada Saldhiga ilaalada ka ahayd, waxaana Mas,uuliyada weerar kaasi sheegatay Ururka A-lshabaab .

Puntlandi.com Bosaaso .

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this