Sign in to follow this  
Deeq A.

Barlamaanka aqalka sare oo isku khilaafsan meel marinta xeerkii dalka looga mamnuucay shirkada DP-World.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Puntlandi) Barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa maanta isku khilaafay meel marinta xeerka dhowrida midnimada iyo gobonimada gayiga Soomaaliya, kaasoo dhawaan meel mariyeen xikdhibaanada aqalka hoose ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah xildhibaanada aqalka sare, ayaa ku taliyay in xeerkaan guud ahaanba lalaalo, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay xeer laga leeyahay dano siyaasadeed oo la doonayo in lagula dagaalamo maamul goboleedyada si loogu diido inay ka faa’idaystaan kheyraadkooda.

Qaar kale, ayaa soo jeediyay in loo yeero raysal Wasaare Kheyre iyo wasiirkiisa arrimaha dibada, Ambassador, Axmed Ciise Cawad, si wax looga weydiiyo safaradoodii ay ku tageen Dubai iyo Khaahira iyo shirarkii ay ugasoo qeyb galeen.

Doodahaan iskasoo horjeeda ayaa sababay in cod loo qaadi waayo xeerlaan, inkastoo uu weli kulanka socda lana filayo in ugu dambayn maanta barlamaanka go’aan kasoo saaro.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this