Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo shir xasaasi ah ka leh Mooshinka Jawaari & Wararkii ugu danbeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankooda caadiga ahaa ee toddobaadlaha ku leh magaalada Muqdisho, iyadoo ay horyaallaan arrimo xasaasi ah.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in looga dooday xiisada ka dhalatay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo mooshin kale oo ay wadaan xildhibaannada oo ku saabsan kalsooni kala noqoshada Ra’iisal wasaare Kheyre.

Xiisadda siyaasadeed ee hareysay xildhibaanada Baarlamaanka ayaa saameyn ku yeelatay Golaha Wasiirada oo la xaqiijiyey in intooda badan ay saxiixeen mooshinka xil ka qaadista guddoomiye Jawaari.

La Soco Wixii Kasoo Kordha…

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

The post Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo shir xasaasi ah ka leh Mooshinka Jawaari & Wararkii ugu danbeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this