Jacpher Posted March 17, 2006 Walee Ilaahey dadka isku si uma abuurin. Dumar Soomaaliyeed oo la wada qabo ayaan hal kursi wadaagin? Hadey dhacdona kal iyo kab xiimeysaa trafiko u noqon. Yaa heli kara reer wanaag iyo dhoolo cadeyn isu hor fadhiya? Waa baariyaal ee Odaga Ilaahey ha u barakeeyo ehelkiisa. Yaa sheegi kara nomad marwooyinkisa hor gabran yihiin uuna kala sharxayo dabcigooda. Masaarida waan ogaa inay naga xadaarad horeeyeen balse saan ma moodeyn ee dadnimona ma nagu dhaafeen?? EDIT: Ironically, I read this on Somalitalk few minutes later. Sorry Xiinow, I ruined the moment. Muqdisho: Haweeney Ninkeedii ka Gubtey Meel Halis ah Mar aan booqday isbitaalka carafat ee magaalada muqdisho ayaan waxaan kula kulmay nin magaciisa la yiraahdo Cabdi Cali Warsame oo xaaskiisu ay kadib markii ay ka masayrtay la beegsatay biyo ay soo karkarisay isaga oo u diyaar garoobay waqtigiisii nasashada. Haweenayda falkaas geysatey ayaa magaceeda waxaa naloogu sheegay Faadumo Warsame oo kadib markii ay si naxariis daro ah u gubtay ninkeedii ay baxsatay oo aan ilaa iyo hada meel ay ku danbeysey aan la garaneynin waloow dadka qaar ay sheegayaan inay u baxsatay xaafad ka mida xaafadaha magaalada muqdisho. Sidoo kale ninkan ayy ka gubtay meel halis ah iyadoo uu dabku ka gaaray inta u dhaxaysa, saablayda caloosha iyo inta u dhaxaysa xubinta taranka raga oo dhamaan uu dabku u waxyeeleeyey, xaalada uu hada ku jiraana ay tahay mid halis ah waloow aad loola tacaalay oo dhakhaatiirta isbitaalka caraafaad ay ku mashquulsan yihiin sidii loo badbaadin lahaa . Ninkaan oo aan ku booqanay isbitaalka carafaad ayaa waxaa war kooban naga siiyey walaalkii ka weyn oo ku hayey isla goobtaasi waxuuna noo sheegay inuu hada kasoo raynayo waloow markii aan aragnay uu ahaa mid si weyn looga naxayo . Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay dhib caynkan oo kala ah uu ku dhaco raga oo ay u gaysataan haweenka soomaaliyeed khilaafkan ayaa badanaaba ka biloowda raga iyo haweenka oo ay soo wajahaan dhibaatooyinka la xalin waayo ,masayrka , iwm . Muuse Maxamuud Jiisow Somali39@hotmail.com Muqdisho Somaliya Xafiiska warqabadka muqdisho Faafin: SomaliTalk.com | Mar 17, 2006 The pictures are very graphic Quote Share this post Link to post Share on other sites