Sign in to follow this  
Nur

Sacrificing for your family’s well being - The male perspective.

Recommended Posts

Jacpher   

Walee Ilaahey dadka isku si uma abuurin.

 

Dumar Soomaaliyeed oo la wada qabo ayaan hal kursi wadaagin? Hadey dhacdona kal iyo kab xiimeysaa trafiko u noqon. Yaa heli kara reer wanaag iyo dhoolo cadeyn isu hor fadhiya?

 

Waa baariyaal ee Odaga Ilaahey ha u barakeeyo ehelkiisa. Yaa sheegi kara nomad marwooyinkisa hor gabran yihiin uuna kala sharxayo dabcigooda. Masaarida waan ogaa inay naga xadaarad horeeyeen balse saan ma moodeyn ee dadnimona ma nagu dhaafeen??

 

EDIT: Ironically, I read this on Somalitalk few minutes later. Sorry Xiinow, I ruined the moment.

 

Muqdisho: Haweeney Ninkeedii ka Gubtey Meel Halis ah

 

Mar aan booqday isbitaalka carafat ee magaalada muqdisho ayaan waxaan kula kulmay nin magaciisa la yiraahdo Cabdi Cali Warsame oo xaaskiisu ay kadib markii ay ka masayrtay la beegsatay biyo ay soo karkarisay isaga oo u diyaar garoobay waqtigiisii nasashada.

 

Haweenayda falkaas geysatey ayaa magaceeda waxaa naloogu sheegay Faadumo Warsame oo kadib markii ay si naxariis daro ah u gubtay ninkeedii ay baxsatay oo aan ilaa iyo hada meel ay ku danbeysey aan la garaneynin waloow dadka qaar ay sheegayaan inay u baxsatay xaafad ka mida xaafadaha magaalada muqdisho.

 

Sidoo kale ninkan ayy ka gubtay meel halis ah iyadoo uu dabku ka gaaray inta u dhaxaysa, saablayda caloosha iyo inta u dhaxaysa xubinta taranka raga oo dhamaan uu dabku u waxyeeleeyey, xaalada uu hada ku jiraana ay tahay mid halis ah waloow aad loola tacaalay oo dhakhaatiirta isbitaalka caraafaad ay ku mashquulsan yihiin sidii loo badbaadin lahaa .

 

Ninkaan oo aan ku booqanay isbitaalka carafaad ayaa waxaa war kooban naga siiyey walaalkii ka weyn oo ku hayey isla goobtaasi waxuuna noo sheegay inuu hada kasoo raynayo waloow markii aan aragnay uu ahaa mid si weyn looga naxayo .

 

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay dhib caynkan oo kala ah uu ku dhaco raga oo ay u gaysataan haweenka soomaaliyeed khilaafkan ayaa badanaaba ka biloowda raga iyo haweenka oo ay soo wajahaan dhibaatooyinka la xalin waayo ,masayrka , iwm .

 

Muuse Maxamuud Jiisow

 

 

Muqdisho Somaliya

 

Xafiiska warqabadka muqdisho

 

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 17, 2006

The pictures are very graphic

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this