Deeq A. Posted March 14, 2018 Wasiirka Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Wafdiga Wasiir Xoosh ayaa si baalaran loogu soo dhoweeyay magaaladaasi Baydhabo waxaana ku soo dhoweeyay Xubno katirsan Koonfur Galbeed. Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Baydhabo ku qabanayo kulamo looga hadlayo Dastuurka dalka Soomaaliya oo wasaarada ay qiimeeynteeda ay wado. Sidoo kale u jeedka wasiir Xoosh ee Baydhabo ayaa la xariiraxalinta qilaafaadka u dhaxeeyo Koonfur Galbeed iyo Wasaarada Dastuurka Xukuumada Soomaaliya. Wasiir Xoosh ayaa baryihii ugu dambeeysay waday socdaalo uu ku marayo qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya isaga oo waday wadatashiyo ku aadan Arimaha Dastuurka Dalka. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiirka Dastuurka oo Gaaray Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites