Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Dastuurka oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Wasiir Xoosh ayaa si baalaran loogu soo dhoweeyay magaaladaasi Baydhabo waxaana ku soo dhoweeyay Xubno katirsan Koonfur Galbeed.

Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Baydhabo ku qabanayo kulamo looga hadlayo Dastuurka dalka Soomaaliya oo wasaarada ay qiimeeynteeda ay wado.

Sidoo kale u jeedka wasiir Xoosh ee Baydhabo ayaa la xariiraxalinta  qilaafaadka u dhaxeeyo Koonfur Galbeed iyo Wasaarada Dastuurka Xukuumada Soomaaliya.

Wasiir Xoosh ayaa baryihii ugu dambeeysay waday socdaalo uu ku marayo qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya isaga oo waday wadatashiyo ku aadan Arimaha Dastuurka Dalka.

Hoos ka Daawo Sawirada

Wasiir-5.jpg?resize=960%2C640 Wasiir-4.jpg?resize=960%2C640 Wasiir-3.jpg?resize=960%2C640 Wasiir-2.jpg?resize=960%2C640 Wasiir-1.jpg?resize=960%2C640

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Wasiirka Dastuurka oo Gaaray Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this