Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano diyaarinaya mooshin ka dhan ah Ra’isilwasaare Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

24-kii saac ee la soo dhaafay madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa ka socdo moowjado siyaasadeed oo ay wadaan madaxda ugu sareeyo dalka Soomaaliya.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo tiradooda kor u dhaafeeyso Boqol Xildhibaan Ayaa mooshin ka soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Sidoo kale Xildhibaano kale oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wado qorshayaal ay mooshin kaga keenayaan Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

Xildhibaanadaan oo ku dhow Kuntun Xildhibaan ayaa shirar ku leh Muqdisho iyaga oo wada Mooshinkaasi Ra’isilwasaaraha.

Xildhibaanada ayaa is xulufeeysi iyo shirar kala duwan ku leh Muqdisho iyaga oo taageersan Gudoomiye Jawaari.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Mooshinkaasi ay u gudbinayaan Xildhibaanadaan Gudoomiye Jawaari oo isaga Mooshin laga keenay.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Ra’isilwasaare Kheyre uu abaabulay Mooshinkaasi qarash badana uu ku bixiyay.

Lama oga halka ay xaalada ku dambeeyn doonto waxaana mooshinkaasi uu dhaliyay khilaafaad soo kala dhexgalay madaxda ugu sareeyso dalka.

Isha ku haay Puntland Post oo la soco Warar Deg Deg Ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Xildhibaano diyaarinaya mooshin ka dhan ah Ra’isilwasaare Kheyre appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this