Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubnaha Aqalka sare oo ku kala qeeybsan heshiiskii DP World

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulanka Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ee Dalka ayaa waxaa soo Xaadiray ilaa iyo 41 sanator Waxaana Shir Goddominaye Goddomiyaha Baarlamanka Aqalka sare Ee dalka Cabdi xaashi Cabdulaahi.

Ajandayaasha Xildhibaanada Golaha Aqalka Ayaa waxaa ay Manta ahaayeen.

Ka Doodista Xeerka Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Gayiga Soomaaliyeed Ee kasoo Gudbay Golaha Shacabka Iyo Arimaha Amniga Golaha Aqalka sare.

Xeerka Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Gayiga Soomaaliyeed ayaa Waxaa Golaha Aqalka sare u aqriye Xoghayaha Guud Ee Baarlamanka Aqalka Ee soomaaliya.

Intaasi kadib Xildhibaanada Ayaa Guda Galay Ka doodista Xeerkan oo ay Horay usoo ansixiyeen Xildhibaanada Golaha shacabka soomaaliya.

Sanator Maxamuud axmed mashruuc oo kamid ah sanatorada Aqalka ayaa sheegay in xeerka Dib-u eegis lagu sameeyo Xeerka,Waxaana usoo jeediye in loo yeero Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumada soomaaliya Si wax Looga waydiiye Waxa xukuumada sababta ay Talaabo u qaadi la’dahay Looga jawaabay Fara-Galinta Shirkada DP World Ee laga Leeyahay Dalka iskutaga Imaraadka Carabta.

Sidoo Kale xildhibaanka ayaa carabka ku dhuftay In sharciga uu dhibaato Laga dhax-laya Maadaama uu dhaawici karo Wada Hadalada Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Waxaa kaloo Xildhibaanka uu xusay in sharcigan uusan Wax Tilaabaha ka qaadeen Dowlada Itoobiyo oo kusoo xad-Gudubtay Madax-banaanida soomaaliya.

Sanator Nuuro Faarax jaamac ayaa Dhinaceeda Dowlada itoobiya ku Eedesay in ay aheen maskaxdii ka Dambeesay in ay Wada hadlaan Dp World,waxaa ay Hoosta ka xariiqday in ay Dalaalka bixiye Dekeda Bar-bara ay aheed Dowlada itoobiya Waxaana ay xukuumada Ka dalbatay in ay ka hasho Mowqifkeeda Ku aadan itoobiya.

Xildhibaanada ayaa intooda Badan ku kala qeyb same arintan la xiriirta shirkada Dp world.

Goordhow ayaa lagu wadaa in kulanka Baarlamaanku uu soo dhamaado islamarkaasina la soo saaro natiijada rasmiga ah ee Xubnaha aqalka sare.

PUNTLAND POST

The post Xubnaha Aqalka sare oo ku kala qeeybsan heshiiskii DP World appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this