Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Jawaari oo si la yaab leh uga hadlay Mooshinka kalsooni kala noqoshada ee laga Gudbiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ku gacan seyray, sharci darrana ku tilmaamay mooshinka ay ka keeneen in ka badan boqol xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay kulan ay yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa caddeeyay in qaabka loo qabtay Mooshinka ay ahayd sharci darro, isla markaana guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey uu ku kacay sharci darro markii uu qabtay mooshinka.

Wararka ayaa sheegaya in Prof. Jawaari ku adkeystay in mooshinada khuseeya guddoonka Baarlamaanka ay leeyihiin sharci loo maro iyo hab la waafajiyo, marka uu sharci noqdo kadibna la qabto, wuxuuna caddeeyay in qaabka suuqa madow ah ee C/weli Muudey u dhaqmay aanay sharci ahayn.

Guddiga joogtada ah ayaa ku dhex jira guddoonka Baarlamaanka oo la filayaa inay xal u helaan xiisadda ka dhalatay mooshinka Guddoomiye Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Guddoomiye Jawaari oo si la yaab leh uga hadlay Mooshinka kalsooni kala noqoshada ee laga Gudbiyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this