Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Amniga Ee Gobolka Bari Oo Qarax Miino lagula eegtay Deegaanka Gal-gala Ee Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaar ay la socdeen Ciidamada Amniga ee gobolka Bari ayaa maanta Qarax miino waxaa lagula eegtay  jidka dheer  ee iskuxira Bosaaso iyo deegaanka  Gal-gala ee gobolka bari.

labo Askari oo ka tirsan Ciidamadii Qaraxa lala eegtay ayaa goobta ku dhintay , waxaana dhaawaca  Askartaasi loo soo qaaday Magaalada Bosaaso si loogu dabiibo .

Al-shabaab ayaa sheegatay Mas,uuliyada weerarkan , waxaana tiro ku dhowrjeer Qaraxyo Miino oo  noocan oo kale ah lala eegtay Ciidamo marayay deegaanka Gal -gala, halkaas oo ay Ciidamada Puntland  ay kula dagaalamaan kooxada Argagixisada ah ee Al-Shabaab .

Dhanka kale Askari ka tirsan  Ciidamada Amniga  ee gobolka Bari ayaa xalay lagu dilay bartamaha Suuqa Magaalada Bosaaso , waxaana ku dhaawacmay hal qof oo kale oo shacab ah.

lama oga sababta keentay dilkan Askarigan ka tirsanaa Ciidamada Amniga Bosaaso , Saraakiisha laamaha Amniga  ee gobolka bari oo aan xiriir la samaynay ayaa noo xaqiijiyay in ay wadaan baaritaan ku aadan dilka Askarigaasi .

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this