Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo digniin xoogan ujeediyay degmooyinka uu ka socda mashruuca JPLG

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa digniin xoogan ujeediyay maamulada degmooyinka uu ka socda mashruuca JPG, oo ah mashruuca Qaramada Midoobay ay maalgaliso oo lagu taageero degmooyinka leh golayaasha degaanka.

Madaxweyne ku xigeenka Camey ayaa wacad ku maray inay dowladda Puntland  ka wareejindoonto mashruucaan degmadii kasoo bixi weyda waajibaadkii looga baahnaa ee ay markii horeba ku mutaystay in mashruucaan lagu darro.

Camey ayaa hadalkaan ka shegay kulan la isugu guddoomiyayaasha 11 degmo oo uu ka socdo mashruuca JPLG, kuwaas oo laga dhegaysanayay sida ay degmo kasta uga fa’idaysatay mashruucaan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay ilgooni ah ku hayaan mashruucaan, isagoo dhinaca kale xasuusiyay maamuladu inaysan mashruucaan ku tiirsanaan ee loo baaahan yahay inay canshuurta horumariyaan, si berrito looga maarmo kaalmada shisheeye ee JPLG.

Dhawaan, Shax lasoo bandhigay ayaa muujinaysay in degmada Qardho ay noqotay degmadii kaalinta koowaad ka gashay ka faa’idaysiga mashruucaan sannadkii 2017, halka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Bosaso ay galeen kaalimaha dambe. Kaalinta labaad waxaa gashay degmada Eyl, Garowena oo caasimada Puntland ahna waxay ka gashay kaalinta saddexaad.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this