Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News– Puntlandi oo helay Sababta loogu dhagan yahay Jawaari

Recommended Posts

Deeq A.   


Jawaari.jpgjawaari1.jpg
Warbaahinta Puntlandi oo la hadlay xubno aad ugu dhow Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa noo sheegay sababaha Mooshinka looga keenay Gudoomiyaha.

Gudoomiye Jawaari wuxuu bilahaanba waday Abaabul uu isha digayay Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Federaalka in ay la saftaan Dowlada Qadar Khilaafka Khaliijka, isagoo Madaxweynaha iyo Raysal wasaarahaba kula taliyey in waajibaadkoodu yahay inay rascasn dhinicii maslaxada Shacabka Soomaaliyeed ku jirto, Gudoomiye Jawaari wuxuu talo ahaan usoo jeedshay Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha in Ay taageereen Garabka Sacuudiga iyo Emaaraatka Hadii dhinac ay taageersyaan.

Laakiin TaladiibJawaari Ma aysan qaadan Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha oo waxay hada si buuxda ula safteen Garabka Qatar,

Mooshinka Laga keenay Gudoomiye Jawaari ayaa ah mid salka ku haya Arimaha Khaliijka, waxaana loo badinayaa in Dowlada Qadar ay Kharash badan ku bixisay in Booskiisa la keenin shaqsi kale oo u jan jeera dhanka Qadar.

Xildhibaanada keenay Mooshinka ayaa maalmahaan ku mashquulsanaa qaabkii loo dhigi lahaa Mooshinka iyo waxa lagu sababeynayo eedeymaha Gudoomiyaha si ay u helaan qaab sharciyeed Xilka looga tuuro.

Masuuliyiinta La hadlay Warbaahinta Puntlandi waxay si cad farta ugu fiiqayaan in Villa Soomaaliya ay ka dambeeyaan Mooshinka.

Puntlandi
Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this