Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadaha isgaarsiinta Somaliland oo dhaqan galiyay amar lagusoo rogay oo lagu xakameynayo lacagaha taleefoonada lagu shubto..

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgalla Somaliland ayaa xalay dhaqan galiyay amar lagusoo rogay oo ku saabsanaa inaan lacag ka yar $10o la isugu diri karin taleefoonada gacanta, iyadoo tilaabadaan ay qeyb ka tahay qorshe wax looga qabanayo sicir bararka xoogan ee ka jira Hargeysa.

Amarkaan ayaa ujeedada laga leeyahay waxay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa isticmaalka lacagta gobolada waqooyi (Somaliland) kadib markii ay soo wajahday hoos  udhac weyn, taasoo keentay sicir barar saameyn ku yeeshay nolasha dadka.

Adeegga moobelayada lacagta loogu shubto ee Zaad ee shirkada Talesom iyo adeegga E-dahab ee shirkada Somtel, waxaaana ay xalay dhaqan galiyeen in lacag kayar 100 dollar aanan la isku dirin, waxaana dadka horey loo faray in lacagtaas kala baxaan taleefoonadooda, Islamarkaana u badeshaan lacagta maxaliga ah ama Dollar.

Halkaan hoose ka akhriso amarkii lagusoo rogay.

29136798_1925620604417688_86575032107742 29186945_1925620644417684_29522297546961

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this