Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno Guddoonka Baarlamaanka u Gudbiyay Mooshin ka dhan ah Prof. Jawaari  

Recommended Posts

Deeq A.   

jawaari-1132x670.jpg?resize=821%2C486Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka Soomaliya ayaa saakay moosin k dhan ah guddoomiyaha aqalka hoose ee baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari u gudbiyay gudoonka golaha.

Diyaarinta Mooshinkan ka dhanka ah Jawaari ayaa maalmahaan Muqdisho ka socday, inkastoo uu si rasmi ah u soo shaac–baxay xalay, markaasoo ay ka socdeen Muqdisho kulamadii ugu dambeeyay ee lagu gudbinayay mooshinka ka dhan ah Jawaari.

Xildhibaanada mooshikan saxiixay ayaa tiradooda lagu sheegay inay 100 ka badan tahay , iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in mooshinkaan ay dabada ka riixayso madaxtooyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu eedeeyay in mudadii xilka uu hayay uu ku kacay falal liddi ku ah dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha shacabka, waxaana mooshinkan gacanta loo geliyay saakay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka.

Ugu dameyn, Mooshinkan ayaa kusoo beegmaya maalmo uun ka hor markii uu furmay Kal-fadhiga saddexaad ee baarlamaanka Somalia, kaasoo horay loo sheegay inay horyaallaan sharciyo fara badan oo la doonayo in inta uu socdo la meel-mariyo.

HADDABA, AKHRISO MOOSHINKA LAGA GUDBIYAY JAWAARI IYO WAXA LAGU EEDEEYAY;
29177010_2063803360564803_64080076200317

PUNTLAND POST

The post Xildhibaanno Guddoonka Baarlamaanka u Gudbiyay Mooshin ka dhan ah Prof. Jawaari   appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this