Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso Mooshinka laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Qodobo xasaasi ah oo lagu soo eedeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd gudbiyey Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Mooshinka oo ay saxiixeen 107 xildhibaan ayaa qodobo dhowr ah lagu soo eedeeyay Guddoomiye Jawaari, waxaana goor dhow xildhibaanada wada mooshinka ay shir jaraa’id ku qabanayaan hotel u dhow xarunta Madaxtooyada.

Xiisadaan siyaasadeed ee soo wajahday Prof. Jawaari ayaa muran iyo buuq badan ka dhex abuuri doonto Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Jawaari lagu yaqaan inuu yahay nin inta badan dhankiisa holac ka shido siyaasadda.

Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay nuqul kamid ah qodobadii lagu soo eedeeyey Guddoomiye Jawaari, waxaana dhawaan diinla wadaagi doonaa cidda gadaal ka riixeyso mooshinka Jawaari laga diyaariyey.

mooshin.png?resize=665%2C747&ssl=1

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Akhriso Mooshinka laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Qodobo xasaasi ah oo lagu soo eedeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this