Sign in to follow this  
Deeq A.

Somliland oo joojisay adeega Lacagta Mobilka wixii ka yar $100

Recommended Posts

Deeq A.   

ZE.png?resize=600%2C342Shirkadaha adeega Lacagta Mobilka ee Somaliland ayaa joojigay in wax ka yar $100 laysu diro ama wax lagu iibsado, kadib markii ay u hogaan sameen amar ay soo saartay Somaliland.

Adeegyadaas ayaa kala ahaa ZAAD  iyo E-DAHAB waxaana bixin jiray shirkadaha Telesom iyo Somtel oo ka howlgal Somaliland, Puntland iyo qeyb kamdi ah Koofurta Soomaaliya.

Shirkadaha Telesom iyo Somtel oo bixin jiray adeegan ayaa maanta ku dhawaaqay in bari laga bilaabo ay joojin doonaan adeega Mobilka Lacagta waxii ka yar $100 isku dir iyo wax ku iibsi, waxayna intaas ku dareen in deegaanada ka baxsan Somaliland uusan saameyn doonin go’aankan.

Sababta loo joojiyay adeega Mobilka Lacagta wax ka yar $100 ayaa yimid markii Suuqyada magaalada Hargeysa iyo deegaanada kale ee Somaliland sanadihii danbe si aad ah looga dareemayay sicir barar, kadib markii shillinka Somaliland uu qiimo beelay marka lagu sarifo dollarka.

Somaliland ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay oo ku guulestay wax ka qabashada adeega Mobilka Lacagta oo qeyb lixaad leh ka qaata sicir bararka ka jira deegaanada Soomaaliya.

Go’aankan oo kale waxaa horey ugu fashilantay Puntland oo mar isku dayday in ay joojiso adeega Mobilka Lacagta waxii ka yar $50, kadib markii ay shirkadaha bixiya kala kulantay is-hortaag.

PUNTLAND POST

The post Somliland oo joojisay adeega Lacagta Mobilka wixii ka yar $100 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this